VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ha iga goosan caawa - Lyrics

Geraar hordhac ah - Aamino Feer: Galalow yaashanayaalbaan galowgiyo ugaadhi geesaha dhaafee aday gogoli kuu taal galadayda dhaaxaan geed iyo har jiifay haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Geeraar hordhac ah - Saleeban: Anoo kuu go'aayoo garabkaa filaayaad axdigeenii goysoo geesta iga dhaaftee nabsigii gaaxsanaabaa gooyaha ku gooyee guur ha iga filanine gurigaygan ii dhaaf Aamina: Nabsi ruuxii gaaxshaa godobtiisa maalee sidan aniga kuu galay gafi maysid adiguye aargudashadaaduna kor ilaahey weeyee haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Saleebaan: Qofkastaa abaalkii yahay guul daraantee waxan ahay nin gabaryahay gacantaada midigtee waxan ahay garaax iyo godobtaan dugsanayee guur haiga filanine gurigaygan ii dhaaf Aamina: Adoo gacal isoo biday waataan ku gowrshay ku garwaaqsan waayey kaa saartay gacantee waxan aniga goostaa goobtaan i joojee haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Saleebaan: Waxan ahay nin gacalkii owgaa u gooyoo waxan ahay gargaarkii galadkaaga waayee waxan ahay gandood iyo gocosho u dambeysee guur haiga filanine gurigeygan iidhaaf Aamina: gowraha habeenkii gudcurkaad istaagtiyo garki aad iqabatiyo guubaabadaadii gardaraan u qaatoo kuumaan garaabine haiga goosan caawaad iga gacan saraysaa Saleebaan: Sidan ahay nin gaaloo xarameynkii galayoo gubay maalin ciidoo lagu soo gurmaday baad gabi dheer isaartood igu gooni baadhee guur haiga filanine, guur haiga filanine gurigaygan iidhaaf
Queue is empty
-- / --