Hablaha dunidan dhex jooga
Adaa dhul dahab u muuqsan
Dhabtii waxaad tahay hormuudka
Dhamaan ku daydaan faceedu

Dhamaysbaad tahay nasraay
Dhaliil maba lihid xumaan
Dhigaabaad u tahay haldoor

Dhabeelbaad tahay qurxuda
Gobiyo dhaladkii qarniga
Dhanbaaladu way xuseen
RABINA u dhameeyay sharaf
Dhaayihii ku arkaa qancee
Dhibaato ha mudan nasraay

Dhildhilan qorqornidiyo jooga
Dhexdaada qiyaasan muuqa
Dhalaal wacaneey hanaanka
Waxaad tahay dheeman dumar

Sidaad ugu dhaadato guusha
Gobaad tahay himilo dheer
RAXMAAN kuma kala dhantaalo

Exit mobile version