sawtaad ii dhagaad nuglayd
warkaaguna dhawrsanaa
sawtaad isa bila ahayd
dhamays dumaro jeclaa

dhambalkaagii wacnaa
miyuu dhagar maaganaa
jacaylkii dhaxalka ahaa
ma dhawr waji lahaa

dhibtaan kuu diidayaa
dhulkaan kaa qaadayaa
dhabtaan kugu haynayaa
ma dhoola tus bay ahayd

sawtii aan kugu dhignaa
dhaynkaygana aad ahayd
sawtii aad dhoofsaniyo
dhabeel hufan aad ii ahayd

dhawaaqaagii samaa
miyuu dhalanteed ahaa
xidhiidhkii dhaadanaa
miyuu dheyel kaa ahaa

Exit mobile version