Kalgacalkaylkan bari hore
Kadis iigu yimidbaa kulayl
Igu abuuro lakufaa kacaya

Sida kaliya mooyaan ama
Ka hortageeya wadnuhu
Waa i gawleeyo kubto
Way i xanuuntay

Kubtu way xamowday kaalay
Ha iga kudine iiku iikaalay
Kaymadoobe ma ihiye kalay
Waan kuu kurbooday kalay
Iikaalay hindooy kaalay

Kasbashada naftaydee
Aduunyada korkeeda
Kol aan ku helo mooyee
Kaa kaaftoomimaayee

Kaftankiyo ciyaaraha
Kol ay tahay habeenkii
Kulankaba ma aadoo
Cidlaan kali wareegaa

Exit mobile version