jacaylka qofaan jab soo aragoo
jiriyo cudur jeegaan ka ridin
miyuu kuu jixinjixaayoo
misana kuu jiidh naxaa

qofaan jahwareer ku dhiciniyo
jar iyo buur aan jaf soo odhan
miyuu kuu jixin jixaayoo
misana kuu jiidh naxaa

jadhjeedhsiga waayahaniyo
duruufahan joogtada ah
ma moogine ma ku jilcaayee
jawaahir jawaabta ila aro

jacaylka qofaan jugtiis qabanoo
jibaad olol jiifka aan dagin
miyuu hurdo jiifsadaayoo
misana soo jimicsadaa

qofaan jeedaalku dhigano
jac iyo ceebaan jirinoo
miyuu kuu jeedayaayoo
misana kula joogayaa

Exit mobile version