Aan damaq jacayl
dad is raba warkood
kaa daadajee
waxay ugu darnayd
markii aan dulmi
taan dunida rabay

iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo
soo raaxa damacday
durba garayski furatay
sii daysay timihii
aan idhi ma daysaa
mise waad dugsiisaa
dibnaha ma isa saartaa
yaa dookhu heli jirayeey
dadaw maxaad ku taliday

Aan dad iyo maal
deeqaha ilaahay
kaa daadaajee
marna waxaan ideynay
dumar iyo dhibtood
hor ilaahay deyn
wuxuu sida daruuraha
sagal waa’u daalacay
mamid muuqa dahab loo
hadaan anigu daynlaa
dahaa igu dirqinayee
aan is idhi ma daysaa
mise waad dugsiisaa
dibnaha ma isa saartaa
yaa dookhu heli jirayeey
dadaw maxaad ku taliday

Exit mobile version