Dhagar Qabe

Anigoo dhallaanoo
qalbigana ka dhimanoo
dhaayaha wax ka arkin

Arladaba dhamaanteed
dhalanteed igaga jiro
dhaxalkii adowgeey

Intaan dharaar qubay
dheydii haraatiyey
ma u dhiibay dumaroo
taladeyda carantay
dhootin ma isku dhaliyoo
meel xun anigu ma is dhigay

Dhada roob ma noqoto
biyo lagama dhaansho
dhoobo lagama buuxshee

Nimey talladu dhaaftiyo
nin laf dheer ka kala jabay
labaduba dhantaalmee

Aniga ka dhiganoo
dhinacey gantaala
dhagama xun iyo ceebiyo
hurdin ma isku dhaliyo
meel xun aniga ma is dhigay

Dhagar qabe abeesiyo
bahal lama dhunkade
dhabta luguma qaatee

Haweenka ka dhiganoo
ninki dhinaca saara
ka higleeya dhiigee

Anigey igu dhex tuureen
dhamac iyo dab shidanoo
qeyrkey i dhaafoo

Exit mobile version