VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhagar qabe - Lyrics

Dhagar Qabe Anigoo dhallaanoo qalbigana ka dhimanoo dhaayaha wax ka arkin Arladaba dhamaanteed dhalanteed igaga jiro dhaxalkii adowgeey Intaan dharaar qubay dheydii haraatiyey ma u dhiibay dumaroo taladeyda carantay dhootin ma isku dhaliyoo meel xun anigu ma is dhigay Dhada roob ma noqoto biyo lagama dhaansho dhoobo lagama buuxshee Nimey talladu dhaaftiyo nin laf dheer ka kala jabay labaduba dhantaalmee Aniga ka dhiganoo dhinacey gantaala dhagama xun iyo ceebiyo hurdin ma isku dhaliyo meel xun aniga ma is dhigay Dhagar qabe abeesiyo bahal lama dhunkade dhabta luguma qaatee Haweenka ka dhiganoo ninki dhinaca saara ka higleeya dhiigee Anigey igu dhex tuureen dhamac iyo dab shidanoo qeyrkey i dhaafoo
Queue is empty
-- / --