waa udug galkacalkuye
ibraahiniyo aaminaa
nurkan caawa baxaye
kuligood isugu yimid
arooskiinan fiiriya

aayihiina guurka
ehelkiyo asxaabtuba
ubaxyada ay lulayaan
amaanbaad ku mudan tahaye

waa ayaamo farax leh
eebo waxaan baryaynaa
jacaylkaad abuurteen
dhidibada u taagteen
inaad wada adkaysaan

awlaad xariiro
ibraahiniyo aamina
xuma laga ilaasho
hela ubad xalaala

idinkuna xaqdhawr iyo
sida laba is jaceloo
saha wadaago
xiligana la kaawsada

Exit mobile version