Anigoo haradigeediyo
Hawd geel ku foofsaday

Sidigtii hibaaqiyo
Hoobaan ku maaloo

Haruub buuxa haystoo
Halyeeyada ka miidhaa
Soow jaceeyl imaa haleelin
Igama haf siinin
Mid haldhaa lamoodoo
Hablaha qurux u sidatoo
Haybad loo dhammeeyoo
Xarraga heetinaysa
Tallaabada hash laysaa

Kama halacsan sheeddoo
Intaan hareer galay
Hal cabaara dabadeed
Salaan kumaa harayno
Haye weeyee kumaan oran
Ima ay huruufinoo
Horor iguma sheeginee
Habsamaan waxay tiri
Maxaa hoobaal kuu daran
Waxaan iri hibaaqeey
Hoobaan lamoodyeey

Nin hammuuni haysaa
Wax makala hanbeeystee
Haniyeey dartaa
Baan u haboowsanahoo
U halleeyay dunidee
Jacayl baa i haleelee

Ka hoomaayoo soortoo
Hurdo seexan waayee
Adiga i horkacayoo
Ii sida hoggaankee
Inaan hooy galnaayoo
Ubad kala helnaa baan
Hibaaqeey baryaayoo

Exit mobile version