VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haradigeed - Lyrics

Anigoo haradigeediyo Hawd geel ku foofsaday Sidigtii hibaaqiyo Hoobaan ku maaloo Haruub buuxa haystoo Halyeeyada ka miidhaa Soow jaceeyl imaa haleelin Igama haf siinin Mid haldhaa lamoodoo Hablaha qurux u sidatoo Haybad loo dhammeeyoo Xarraga heetinaysa Tallaabada hash laysaa Kama halacsan sheeddoo Intaan hareer galay Hal cabaara dabadeed Salaan kumaa harayno Haye weeyee kumaan oran Ima ay huruufinoo Horor iguma sheeginee Habsamaan waxay tiri Maxaa hoobaal kuu daran Waxaan iri hibaaqeey Hoobaan lamoodyeey Nin hammuuni haysaa Wax makala hanbeeystee Haniyeey dartaa Baan u haboowsanahoo U halleeyay dunidee Jacayl baa i haleelee Ka hoomaayoo soortoo Hurdo seexan waayee Adiga i horkacayoo Ii sida hoggaankee Inaan hooy galnaayoo Ubad kala helnaa baan Hibaaqeey baryaayoo
Queue is empty
-- / --