Dhabanadaa qurxooniyo
Dhararkiyo laafyaha
Dhuuxaagan kala shuban

Dhinacyada garbaha iyo
Dhaxdo madag sideydii
Midab aan is dhalan rogin

Sanqaroorka dhilaane loo
Dhameyay dhumucdiyo
Suniyaasha lagu dhigay

Hibaaq hibaaq dhalaal badan
Hibaaq hibaaq dhalaal badan
Midaan dheyman ku ak dhigo
Ifka ifka hooyo kuma dhalin

Indha dheegag dhal iyo
Dhugashada u roon baa
Dhaawacay halbowlaha

Dibna hadlka dhiibo aan laga
Dhargeyn baa qalbigeyga
Dhalan rogay

Tima dhuxul lamoodoo
Dhaafaya araxdaa laqab Joogis igu riday

Hibaaq hibaaq dhalaal badan
Hibaaq hibaaq dhalaal badan
Midaan dheyman ku ak dhigo
Ifka ifka hooyo kuma dhalin.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version