Inan yahay da'daadiyo
Hablaha eynigaagaa
Adaan kaa dhax eegton
Adigaan ku ilaashadaa

Oo aan nafteediyo uurkeygu
Sidu rabay afka kaaga shekto
Kuu soo bandhigay

Adna inaad ikaliftoo
Igu diidoo caashaqa
Arin yaab leh weeyee
Arin yaab leh weeyee
Yeynaan kas xuma iyo
Caqli dumar ku qaadine

Waxa aan ku faray iyo
Warkeygaba ha quursan
Ugu fiirsha aadoo
Nabsi lama amaahdee

Iga saar xanuunkiyo
Oonkaad igalisee
Ila qaad kalgacalkaad
Iigu baaqday inan yahay

Adna inaad ikaliftoo
Igu diido caashaqa
Arin yaab leh weeyee
Arin yaab leh weeyee
Yeynaan kas xuma iyo
Caqli dumar ku qaadine.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version