hoheey hurdo ma korisoo
habaar nin qabaa ma hiilee
hogaan cishqibaa i haleeloo
huqdiisii la heedadaabee
hubkiisiiyo heeryadiisii
intuu heenso igu dhameeyo
dabadeed heegada i saaree
bagaan hinqaday u hadhayee
baguu hinqadayuu u hadhayee

haraan daganay haraadoo
hogolba maan filin ku hoortoo
humageediiba i heeroo
halbawle sare i hafeeftee
markaan hakadaan hanqaarmo
dhulbaa i halwanaya haliso
hoog weeyi hoodadabe

habeen daaranbaan hilaabtoo
hadhay cishqi hadimadiiyee
hiyiga beenabaa i hanuunshoo
hubaaq madhan ii horseedee
markaan hakadaan hanqaarmoo
dhulbaa i halwanaaya halisoo
hoog weeyi hoodadabe

hankiisu rag waa hodaayoo
hamada beenaba u horseedee
hawaawiga baas horjoogoo
ha raacin habaq la hiishee
halkaan ala hoos u eego
hoogayga ku heeri goosto
huqiyo nafsibaa i helaye

Exit mobile version