sida oori ninkeeda
maalinuun laga aasay
oydayooy samri wayday
ama aarka libaaxa
intaan uurka ka reemay
ma iga kaa ogalaatay
ha ilaawine hooy
waa inaan is ogoono

waxa geela af meer
oogo loogu dhaqo
ilimaa qaro duug
looga ooda rogaa
ayda loogu ceshaa
inuu aayar ka dhaafo

sida geersi irdhooboo
laga aar gudanaayo
dhulka aamini waayay

waxaa uur jecelyaa
afku kaa xadayaa
ku idlaaday intaan
kaa adkaysanayee
waan ku aaminayaa
adna hayga irdhoobin

Exit mobile version