Geelaa markuu dararan yahay
laba nin duugtaaye
Markay diriro hooraan
Geeduhuno dajoogaan
Dala wada irmaan baa
Kugu diidin nirigtoo
Godol dabacsanaatee
Gabno kuma daryeeshoo
Marti kuuma daryeeshoo
Doobi lagama buuxshee
Geelaa markuu dararan yahay
Laba nin duugtaaye
Dunidoo ah jiilaal
Marka ay dameeruhu
Ilmahooda diidaan
Isagaa wax daaqaba
Ugu nolol dambeeyee
Diihaalka gaajada
Isagaa u dulqaatoo
Abaar kaaga doogee
Geelaa markuu dararan yahay
Laba nin duugtaaye
Marka ay diraac tahee
Dadku uu hayaamee
Aqalkoo la duubiyo
Haamaha dulsaartaa
Culays kuma dakaamoo
Mana diido socodkoo
Guurahana ma daayee
Geelaa markuu dararan yahay
Laba nin duugtaaye

Exit mobile version