VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Geela markuu - Lyrics

Geelaa markuu dararan yahay laba nin duugtaaye Markay diriro hooraan Geeduhuno dajoogaan Dala wada irmaan baa Kugu diidin nirigtoo Godol dabacsanaatee Gabno kuma daryeeshoo Marti kuuma daryeeshoo Doobi lagama buuxshee Geelaa markuu dararan yahay Laba nin duugtaaye Dunidoo ah jiilaal Marka ay dameeruhu Ilmahooda diidaan Isagaa wax daaqaba Ugu nolol dambeeyee Diihaalka gaajada Isagaa u dulqaatoo Abaar kaaga doogee Geelaa markuu dararan yahay Laba nin duugtaaye Marka ay diraac tahee Dadku uu hayaamee Aqalkoo la duubiyo Haamaha dulsaartaa Culays kuma dakaamoo Mana diido socodkoo Guurahana ma daayee Geelaa markuu dararan yahay Laba nin duugtaaye
Queue is empty
-- / --