sida geed qabaw iyo dhex qotoma
xareedoo qotodiisu dheertahay
intu qaybshay laamaha ubax
qaaya wayniyo midho guudka
qariyeen
dhulka rays qoyaanloo casar qabatay
qoraxdii
dooguna ku qaybsamay ayaad qurux
u dhigantaa

laba quud wadaagtoo wada qaata
nololbaan qalbigayga galiyee
adna laabta igu qabohoo

sida eebe kuu qoray qoortaada
dheeriyo
qumaatiga jidhkaagan u qashuucay
aniguye
qunyarsoco talaabada markaad qaado
laafyahay naftaad qiira galisa
qaalidii haweenkaay waxa dhaafa
qayrkii qoys kaad la noqotee
qaadir ha isku keensimo

Exit mobile version