VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaali - Lyrics

sida geed qabaw iyo dhex qotoma xareedoo qotodiisu dheertahay intu qaybshay laamaha ubax qaaya wayniyo midho guudka qariyeen dhulka rays qoyaanloo casar qabatay qoraxdii dooguna ku qaybsamay ayaad qurux u dhigantaa laba quud wadaagtoo wada qaata nololbaan qalbigayga galiyee adna laabta igu qabohoo sida eebe kuu qoray qoortaada dheeriyo qumaatiga jidhkaagan u qashuucay aniguye qunyarsoco talaabada markaad qaado laafyahay naftaad qiira galisa qaalidii haweenkaay waxa dhaafa qayrkii qoys kaad la noqotee qaadir ha isku keensimo
Queue is empty
-- / --