dumar la simidee
xubno dabacsani
ubax dayr dhashiyo
daauus la mood

dibnahaaga iyo
daymada indhaha
marka daawada
doontii jacayl
damqashada wadnahu
idigaamayaaye

hawee naftaydoo
daadahe qalbiga
dumar kaaga hadhayee

sida tahay darmaan
ama geenyo danoo
durdur meeliyiyo
lagu daayay hawd

dusha midabka iyo
diban daadago
dhabanada ku godan
marka daawada
inta laygu dido
sida ruux dardaran
la dubaaxayaaye

Exit mobile version