Waa habeen mug weyn oo
Maalmaha xuska leh
Meeqaamka sare marti dhaxal gala geed lagu daray
Sad weeye

Yartu muuqsamaa oo
Midab wacnaa
Mohashada qalbiga
Maasheyn ogaa
Markaan fiiriyaba
Maamuus badnaa

Gob mogoola iyo
Ma maankii baxaa
Ma madluum ta dumar tii
Majeerataa maankiyo wadnaha Wey ku maaxatoo Waa malyuunka bilan kama
Go'in aduun

Yartu miiranaa oo
Magac samaa
Meeraha wadnaha
Maasheyn ogaa
Midabyada kalgacal ku
Mataalanaa
Maankey dagtana
Marxabeyn badnaa

Waa muniiro sharaf
Waa mudan haweyn
Waa muraayad luul
Maariin laga dhigay
Waa mira canbee
Milicdiisan arak

Waa dahab mugloo
Waa mantii hobyood
Maqamka cadaadoy
Yey ku meeratoo
Waa mehersatee
Ku mataani
Waa mahad alle
Ku maqsuuday guur.

Lyrics by: Abdi deeq

Exit mobile version