VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Yartu muuqsamaa - Lyrics

Waa habeen mug weyn oo Maalmaha xuska leh Meeqaamka sare marti dhaxal gala geed lagu daray Sad weeye Yartu muuqsamaa oo Midab wacnaa Mohashada qalbiga Maasheyn ogaa Markaan fiiriyaba Maamuus badnaa Gob mogoola iyo Ma maankii baxaa Ma madluum ta dumar tii Majeerataa maankiyo wadnaha Wey ku maaxatoo Waa malyuunka bilan kama Go'in aduun Yartu miiranaa oo Magac samaa Meeraha wadnaha Maasheyn ogaa Midabyada kalgacal ku Mataalanaa Maankey dagtana Marxabeyn badnaa Waa muniiro sharaf Waa mudan haweyn Waa muraayad luul Maariin laga dhigay Waa mira canbee Milicdiisan arak Waa dahab mugloo Waa mantii hobyood Maqamka cadaadoy Yey ku meeratoo Waa mehersatee Ku mataani Waa mahad alle Ku maqsuuday guur. Lyrics by: Abdi deeq
Queue is empty
-- / --