Guul kaamilaay
Garashiyo aqooneey
Gaashaanka samaheed
Ku gadaaman nolosheey
2x

Gacaliyo xigaaleey
Geedkaan hadhsanaayiyo
Gacaliyo xigaaleey
Geedkaan hadhsanaayiyo
Gacantaydii midigee
Gaboodkaan dugsanayaay
Hadhacaan ku gam,ayaay
Gaboodkaan dugsanayaay
Hadhacaan ku gam,ayaay

Gaariduu ilaahey
Guri iigu hooyaay
Gaariduu ilaahey
Guri iigu hooyaay
Ifka faraxa aan gudhin
Aakhiro janada gogol
Guule ha ina siiyo
Ifka faraxa aan gudhin
Aakhiro janada gogol
Guule ha ina siiyo
2x

Guul kaamilaay
Galad iyo wanaageey
Gaydha iyo dhaxamaha
Gu,ii aan huwanayaay
2x

Moodkii gayaankaay
Gobaad ina suldaaneey
Moodkii gayaankaay
Gobaad ina suldaaneey
Tii gardaadinteedii
Gobanimo la barayeey
Guntimaha galgacalkaay
Gobanimo la barayeey
Guntimaha galgacalkaay

Gaariduu ilaahey
Guri iigu hooyaay
Gaariduu ilaahey
Guri iigu hooyaay
Ifka faraxa aan gudhin
Aakhiro janada gogol
Guule ha ina siiyo
Ifka faraxa aan gudhin
Aakhiro janada gogol
Guule ha ina siiyo
2x

Ifka faraxa aan gudhin
Aakhiro janada gogol
Guule ha ina siiyo
Guule ha ina siiyo

Exit mobile version