inaan sida dhaayahayga
dhabtii saxar kaa ilaasho
sal bay ani iga ahayde
markaan sawirkaaga raacay
solaan galay sooryo oodan
inaan sigto may xumayne
sursuur aan horay u eeday
inaan mar labaad ku siibto
ayaa badawnimo sifaysay
naftaydana eeda saartay
wadnaha inta aad ku soorto
usii hadyad baan lahaaye
qalbiga inta aad u siibto
ka saar gacantaan lahaaye
sidaan kula rabay sideeda
habeena adaan ku seexan
nafaan sina kaaga maarnin
si wayn kuu lexo jaclaysa
markaad sirtay eed saluugtay
wanaag badan baa ku seegay
wax fiicana maad samaynin
la yidhi midi saawirteeda
ama madax saan ku taalo
ayaan midna laga samrayne
sii soco soo soco nafataydu
saakana waataa is keentay
wadnaha inta aad ku soorto
usii hadyad baan lahaaye
qalbiga inta aad u siibto
ka saar gacantaan lahaaye
sidaan kula rabay sideeda
habeena adaan ku seexan