gu'yaal gocoshadaada
gafbay tahay hibashadoodu
garaadku inuu xasuustee
garasho nafyahay bal yeelo
garwaaqsoo go'aana qaado

gabdhaha midaan haybinaayay
haweenkaba taan ka goobeey
gayaan midii aan ka doortay
guulahay miduu iigu deeqay

haday garabkayga joogto
inaan gees kaleeto eego
godob iyo waa dhib wayne
damiirka nafyay gaboodso
iimaha guracana ka gaabso
xilkaaga intaad gudayso
danaha rasmiyeey gudoonso

wixii galbadee ku dhaafay
inaad goobto ood ku daasho
gardariyo waa dhibkaagee
naftaydaay maan gargaarso
guhaad iyo ciil ka rayso

gayaanka midaan ciseeyay
midaan gaar uga jeclaaday
inaan gacalooy idhaahdo
midaan kaligeed gorfaystay

Exit mobile version