VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Guhaad - Lyrics

gu'yaal gocoshadaada gafbay tahay hibashadoodu garaadku inuu xasuustee garasho nafyahay bal yeelo garwaaqsoo go'aana qaado gabdhaha midaan haybinaayay haweenkaba taan ka goobeey gayaan midii aan ka doortay guulahay miduu iigu deeqay haday garabkayga joogto inaan gees kaleeto eego godob iyo waa dhib wayne damiirka nafyay gaboodso iimaha guracana ka gaabso xilkaaga intaad gudayso danaha rasmiyeey gudoonso wixii galbadee ku dhaafay inaad goobto ood ku daasho gardariyo waa dhibkaagee naftaydaay maan gargaarso guhaad iyo ciil ka rayso gayaanka midaan ciseeyay midaan gaar uga jeclaaday inaan gacalooy idhaahdo midaan kaligeed gorfaystay
Queue is empty
-- / --