Sareedada nimcada muuqatiyo
saaca quruxdiisa
Sinjigiyo abkii lagu yiqiin
dhaqanka soomali
Sawtkiyo mashxarada baxdiyo
Sacabka yeedhaaya

Sawjada arooskiyo marwada
Taajka loo saaray
Qoys aaray ka dhalatoo
Haween la sinee kow dhe
Waa saafi sharafoo
Hablaha way u sidataaye

Samiyo wanaagbaa lagu korshee
Yaaanay saranseerin
Saldhigaad binaysiyo markaad
Gayso sabadeeda
Gobta sidii lagu yiqiiniyo Ku dhaqo
sabo barwaaqaysan

Siraadka baxaya ee arliga
Nuurka simay kaaha
Sooyaalka guurkiyo dhismaha
Qoyska loo seesay
Suugaanta eraygiyo murtida
Lagu sifaynaayo

Sokeeye duceeyiyo dadkaa
sara kacee taagan
Farxaday sideenbay kal furan
Idinku sooreene
Awlaad samaatiyo caruur
EEBE idin sii badan

Exit mobile version