VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sacabka yeedhaaya - Lyrics

Sareedada nimcada muuqatiyo saaca quruxdiisa Sinjigiyo abkii lagu yiqiin dhaqanka soomali Sawtkiyo mashxarada baxdiyo Sacabka yeedhaaya Sawjada arooskiyo marwada Taajka loo saaray Qoys aaray ka dhalatoo Haween la sinee kow dhe Waa saafi sharafoo Hablaha way u sidataaye Samiyo wanaagbaa lagu korshee Yaaanay saranseerin Saldhigaad binaysiyo markaad Gayso sabadeeda Gobta sidii lagu yiqiiniyo Ku dhaqo sabo barwaaqaysan Siraadka baxaya ee arliga Nuurka simay kaaha Sooyaalka guurkiyo dhismaha Qoyska loo seesay Suugaanta eraygiyo murtida Lagu sifaynaayo Sokeeye duceeyiyo dadkaa sara kacee taagan Farxaday sideenbay kal furan Idinku sooreene Awlaad samaatiyo caruur EEBE idin sii badan
Queue is empty
-- / --