ma hanaan wanaagbaa
ma midaan hawaystee
u jeclaa haweenkaa

ma midii haynkaygiyo
hiyigaygu raacaa
huradee wadnaha bidix
hoy uga dhigaan
la ii hooyay caawaba

haa haa sayidow haa
raxma hoodaleybaa
laguu hooyay caawoo
hido waxay ka wadataa
halyaygii cismaaniyo
hooyo caashoo
idiin hanbalyaynee

allow guur hagaagiyo
qoys lagu hirtaayoo
hoodiyo nasiib loo
wiilal iyo hablaba dhala
hanaqaada noqotaan

ma halyaygii qayrkii
ragba ugu horeeyee
nafta aan u hurayaa

ma halbawlahaygiyo
hawhawlayaashii
kala hurayay dhiigee
wadnahayga habayaa
la ii hooyay caawaba

haaa haa raxmaay haa
sayidow halyayaa
laguu hooyay caawoo
waa geesi hanadoo
garashada ka hodanoo
ehlu sharafooo
idiin hanbalyaynee

Exit mobile version