waxaad tahay sameeya
saacadba jawigaan ubaahdo
waxaad tahay sii dareema
wuxuu soo wado afkaygu
waxaad tahay sadka ruuxda
suldaanka naftaydu leedahay
saaxiib aan adiga ahayna
aduunyada iima saarna
waxaad tahay siyaad sha
farxada sikinkii walboo
waxaad tahay sare
u qaada hankayga
mooralkana ii sameeya
markaan sidaa kuugu jeedo
fadhiga kuma sii nagaado
inaan kuu saro istaago
adaa ani iga samaystay
saw inaan magacaaga
taalo soo sudho maaha
saw inaan sawirkaaga
calanka aan ag saaro
la salaamo xaq maaha

Exit mobile version