VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kaa maarmi waayay - Lyrics

kaa maarmi waayay adna maare diiday madadaalo mooday muhashadan i haysaye misna maagi wayday muuqayga doontay muxabadu ku saaqday kala maan ahaanay oo midoobi waynay muranoo is diidnay talo meel dhigi waynay ismaan dhaafka dhexdeena yaa ka maydha xiskeena kuu muxubo heesay adna kuu muuqan wayday murti kuu aloosay maamusi waydaye mukurkana u goohay mudo kaa maqnaaday maalmo kaa adkaystay mar labaad idoontay oo macduun ahaaday is mikiiki diiday
Queue is empty
-- / --