sidii waa hore la yidhi
halyay si kastuu u yahay
hadaan gaari dumar bilayn
dhigii mar ma haybsan karo

hubaaal anaguna sidaa
marwada fiican hadaan
halyay geesi u dhexin
noloshu heer ma gaadho wacan

inaan hadhsano kalgacal
labada lagu sii hirtee
ahaada hankooda farax
ku gaadhee halkay rabaan
hagaag farxadiyo gudoon

inaan hanashada kalgacal
labada hiil kala helee
ahaada jacayl hantiya
ku gaadha halkay rabaan
hagaag marxabiyo gudoon

habiyo dhaqan soo jiriyoo
hilaadii bari samaad
midii aan ka soo helee
hidiyo aan ku raacay qurux

hamiga riyadaan fishaaa
haday ii rumowdo
hadalka farxad dartii
jacaylbaan la hadaaqayaa

Exit mobile version