booqashiyo salaan barashaa xigtee
inagoo bad qaba jacaylkaan bilownayee

barigii sidaan balan kuula galay iska daa bilee

waagii baryeee is bariidinaba
wuu biirayaa sii badanayaa

baxsanow hadaan bildhaantaada arag
waan bukoonayaa bastay noqonayaa

bilicdaadu yurubeey waa ii bogsiinoo
waa ii badbaadee xaasid iyo balaayaba
EEBOW na baal mari

axdi buuxsamoo burji iyo nasiib
baalaha ka galay lama babac dhigee

qurux loo bogoo bari iyo galbeed la bogaadiyaa

farxad biyo dhigtaan ku bahawnayoo
baradii kalgacal ku bariisanee

ubax soo baxoo baal dilaacsadaa
udugiisa badan badh ku siinayaa

Exit mobile version