waqtigu waa heerba heer
waa sidii hogasha roobko
hadba gees ka hooray
waa sidii hilaacoo
hal maruun ku soo maray
miyaan hakraday naftaada
miyaad hagar daamo waliga
habeen aad dareentay
halyayada dhamaantood
adaan kuu haadshay gacantoo
hankaygana kusiiyay
qalbiga kuu hibeeyee
ha hilmaamin waligaa
ha iloobin noloshana
haasawihii kalgacalkeen
adi kugu habaayay ha ilaawin
waqtigu waa hoosiisoo
waa sidii hadhka geedka
hadba meelbuu jiraayo
waa maraad haysiyo
mar uu ku hareer maree
miyaan hiifay weedhahaagii
hubshada ka madhnayd
hoheey aad ila hor joogtay