maanka fara ku yaaliyo ilays maanka daaraay
mahiigaan darooriyo makhrib roob hilaacaay
mudantii haweenkee sharaf lagu mariimaay
mawle diin ku sooree miirkayga deeqdaay

maskaxdiyo xiskaygiyo marinada wadnaha iyo
dhiigaad ku milantoo ogow kaama maarmee
axdigeenii midha dhalay ka ilaali meer meer

magalkoo iftiimiyo mayay diifta reebaay
durdur maaxanaayoo marna aan go aynee
muraayadii jacaylkee qurux lagu manaystaa
lagu muday kashaydee rabi igu macsuumaay

Exit mobile version