Sidaan kuu tirsanaayo u fiirso
Marka aad i tabaysana waykan
Iga tiiri jacaylka dhankaaga
Itus heerkulka aad ka marayso

Ha tagee dhawr wahiilaha buufi
Qosolkaaga ku toogo namiimka
Hadii loo tudho way ka daraane
Ku tuf buuriga hays daldalaane

Toos adaan ugu faanay haweenka
Waa tamaam xubigaygiyo kaagu
Wuuna sii tartamayaaye ku dhaado
Tiri maalmaha guusha dhexdeena

Sidaan kuugu taxaayo bal daawo
Biladaha kalgacaylka tisqaaday
Tacabkeena adaa badh lahaaye
Isku tiirsanidaan lib ku gaadhnay

Wadnahayga ku taamaya kaaga
Tamar buu ka helaa dhinacaaga
Taladii markii aan ku midawnay
Farxad baan ku taxaashnay aduunka

Toos adaan ugu faanay haweenka
Waa tamaam xubigaygiyo kaagu
Wuuna sii tartamayaaye ku dhaado
Tiri maalmaha guusha dhexdeena

Exit mobile version