VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maalmaha guusha - Lyrics

Sidaan kuu tirsanaayo u fiirso Marka aad i tabaysana waykan Iga tiiri jacaylka dhankaaga Itus heerkulka aad ka marayso Ha tagee dhawr wahiilaha buufi Qosolkaaga ku toogo namiimka Hadii loo tudho way ka daraane Ku tuf buuriga hays daldalaane Toos adaan ugu faanay haweenka Waa tamaam xubigaygiyo kaagu Wuuna sii tartamayaaye ku dhaado Tiri maalmaha guusha dhexdeena Sidaan kuugu taxaayo bal daawo Biladaha kalgacaylka tisqaaday Tacabkeena adaa badh lahaaye Isku tiirsanidaan lib ku gaadhnay Wadnahayga ku taamaya kaaga Tamar buu ka helaa dhinacaaga Taladii markii aan ku midawnay Farxad baan ku taxaashnay aduunka Toos adaan ugu faanay haweenka Waa tamaam xubigaygiyo kaagu Wuuna sii tartamayaaye ku dhaado Tiri maalmaha guusha dhexdeena
Queue is empty
-- / --