hal midheeyay warkaagu
haybadaan kugu raacay
oo hadlkaagu i deeqye
hanaankaaga wanaagsan
hamuumbaan u qabaa
hanaankaaga wanaagsan
hamuumbuu u qabaaa

hoodooy waan hurdi waayo
jacaylbaan hibanaayaa

u hiloobay naftaadoo
hawlahaad igu beertay
waan la heetinayaaye
hanqal taaga i haaya
aduubaa i hor kacaaya
hanqal taaga haaya
aduunbaa hor kacaaya

hablihii wadankeeda
horyaalkaad timidoo
adigaa u horeeya
hanabalyaan u diraayaa
haayadii qalbigaaga
hanbalyuu u diraayaa
haayadii qalbigaaga

Exit mobile version