VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhunkaal - Lyrics

Adiga dhaqsanayoo hawada dhex marayee ? shimbiryahow dhaqaaqo dhudi hadaladan ugeeyee iga noqo dhambaal wade Dhabahaad ku kulanteen ayuu ubax dhig Dhigayaa dheh Dhankii aad martuu wali dhawrayaa dheh dhaxantiyo kulaylkana hada wu dhididayaa dheh dhuuxi caashaq I galay ayu la dhuubtay waayadan dheh Inad adigu so dhoofto ood dhay dhayato mooyee noloshii dhabta ahayd Ka dhacyoo mid kaa lumay waana dhudi daraada Marbuu hadalo dhaadheer Iyo Qosol kali la dhacayaa dheh Dadku dhaygag Iyo yaab ayey badi ku dhaafaan dheh mar dhunkaal cun lagu Yidhi dheh oo dhimasho doondoon dheh dhakhtarkaa mar loo gee dheh marna faalka niman dhiga dheh mar dhimbiilo lo shid o dhashtaa dab laga saar dheh
Queue is empty
-- / --