VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Asluubta wanaagsan - Lyrics

Asaaskii dunida iyo Anigu dumar baan ahaa Bulshada iyo Aadmigiyo Udubki nolashaan ahaa Hayeeshee inan ragoow Ergiyo waxaan ahay Dacwo eed baan kaa tabanaya Uurkaan kugu qaaday iyo Waxaan fool arami Dhibaatada kugu umalay Horaadadu igu dhacaan Hanqaris waxaan kaaga dhigay Asluubta wanaag san iyo Anshaxa dhaqankiyo Hidaha aqlaaqda Maxaan ku baray Aad baan u nasiib darne Madfaca aqalkeyga gubay Kan igu Riday ma adigaa Abaalkii hooyanimo In leyska ilowsan yahay Axyaha weyn ma anigaa Alleylehe inan ragoow Ergiyo waxaan ahay Dacwo eed baan kaa tabanayaa Barbaar iyo ubadka iyo Macalin Abaabshaan ahaa Astaantii qaranka iyo Aayaha guushaan ahaa Hayeeshee inan Ragow Ergiyo waxaan ahay Dacwoo eed baan Kaa tabanaayaa Agaasinka Reerka Waliba kuma aan ekeyn Olalihii calanka siday Qeybtii iiga aadaned Awood anigoo lehyn Asaayda inaan xirtiyo Agoonta inaan la qaxo Astaahil u maanan laheyn Aad baan u Nasiib darne Madfaca aqalkeyga gubay Kan igu riday ma adigaa Abaalkii hooyanimo Inleyska ilowsan yahay Axyaha weyn ma anigaa Alleylehe inan Ragow Ergiyo waxaan ahay dacwo eed baan Kaa tabanayaa.
Queue is empty
-- / --