VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Indha Deeraleey - Lyrics

Ilkaha u eg daruurtee Ciridkaaga duhulka ah Mowluhu ku daahiyo Dibnaha dhuxusha moodee Mar mar dib uga feeydiyo Sanqaroorka soo dagay Indha deeraleey Daymada xishoodka Markaad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa OO layga darayaa Indha deeraleey Dumar ugu fil rooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu metaaleey Da'ada tii todaba toban Gugan loogu darayee Indha deeraaleey Dib timaha u dhacayee Diilimaha dhabarkiyo Garbahoo dhan daahiyo Sida tixida xaada Dayruwaha qadaadkiyo Sunayaasha duuga Caman doombir laayeey Daymada xishoodka Markaad luqunta dadabtaa Kolba laygu didayaa Oo layga darayaa Indha deeraleey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu metaaleey Da'ada tii todaba toban Gugan loogu darayee Indha deeraleey Markaad socodka damacdee Daganida talaabada Miisaanka lagu daray Laafiyaha la daawado Dadku wexeey yidhaahdaan Meey daarin cidee Daa'uus la moodyeey Daymada xishoodka Markaad luqunta dadabta Kolba laygu didayaa Oo layga darayaa Indha deeraaleey Dumar ugu filrooneey Dayax shan iyo tobanaay Dahab lagu metaalaay Da'ada tii todaba toban Gugan loogu darayeey Indha deeraaleey
Queue is empty
-- / --