Qalbi dhaya dabiibaay
Sow kuguma dhaato
Adi kuguma dhaygago
Niyad dhise  daryeeloow
Sow kaama dheehdoo
Dhigaa kaama door bido

Dhabtii aayahaygaay
Saw dhimirka maankiyo
Laabtayda kuma dhigo
Dheeftaan ku faanoo
Saw dhuunta beerkiyo
Dhuuxayga maad xulin

Saw kuguma dhaato
Dhiiga kuuma shubi karo
Amba dhaayahaygoow
Sow kuuma dhiman karo

Laba laba la isku dheehiyo
Laba laba isku dhaabiyo
Laba laba la iska dheehiyo
Dhud qudha tabanee
Miyaan kalla Miyaan Kalla
Miyaan kala dhamaanaa

Exit mobile version