darkaa dakharku gaadhana
damqadaa halbowluhu
marku lagu dagaalana
dibnahaan qaniinaa
markaad gadoodana
jidhku wuu idubaaxshaa
hadii aan daruur ahay
dushaan kaa hadheyn lahaa
marka aan daroorana
agtaadaaan ku di i lahaa
hadii aan dantaydiyo
daryeelkayga jeceshahay
aniguba dartaabaan
dunidaba ujoogaa
dadka ruuxa kuu jecel
dantiisa ufuliyaa
ruuxii dadka kuu neceb
isna waa la diriraa
markaad darajo gaadhana
farxad baan dareemaa
hadii aan dabeyl ahay
dalxiis waxad utagi lahay
xidigaha dushoodoo
dayaxad uhooyan lahayd
hadii aad dantiyo
daryeelkAyga jeceshahay
aniguba dartaabaan
dunida ujoogaa

Exit mobile version