Heesta yarta raadiya - Lyrics
maankay ruxdaa u ruclaynayoo
ruuxdaa tabtoo waan raagsadee
ii raadiya yarta raadiya
yartu maanku rabay een raadin jiray
raadkeediiban raacdada saq dhexe
ku rafaad mutee yarta raadiya
ma rumaysan karayoo
raaliyo ayaa rag ka soonto
rugihii cilmigiyo awdalbay rabte
ila raadiyaay
raas iyo qoraxay oo roobkii helay
armay ramaskaa da'ay
reer samaysatooy raaxada ladaa
nin kastaa ha rabo hana raadiyee
hargaysuu run badan raadkeedu galee
ila raadiyaay
rugaheeda laas qoray
raad qabow armay
rucub miraata reerbaa u yaalee
jabuuti ka raadiya waa yarta raadiya
run ahaan qardhiyo boosasay rabtee
iga raadiya rugaha wajeer
rasamaal muqdisho iiga raadiya
yarta raadiya waar yarta raadiya