VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samsam - Lyrics

Markaan samsameey indhaha La helay suuradaada wacan Adaa laabtiyo sadriga Ku ladhay saxansaxo jacayl Samsameey haybadiyo xishood Adaa dumar ugu sitoo Cid kula siman lama aragee RABIGA kugu saacidaa Sad qaybsigeena aqbalay Markaan samsameey hablaha Adiga kaa soocdaybaan Sareediyo libin heloo Jacaylkan samaadiyo Siraadkiyo nuurka badan Nasiibka na siiyaybaan SAATIRKA ugu mahadiyaa Hadaan samsameey anigu Quruxda SAATIR kugu galaday Sideeda u sheegi lahaa Suugaan kuma sheegi karo Asluub RABI kugu sadiyo Dabeecadaan saxar lahayn Adaa samsameey sitoo Salaantaadoo qudhaa aniga Sooryo iiga wacan
Queue is empty
-- / --