VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nuuraay codka kaliya - Lyrics

Adaa nuuraay qalbiga
Ku nool maankiyo sadriga
Adaa muxibada wadnaha
Ku beeray jacayl mugwayn x2

Intaan dumar maaganaa
Dookhayga adaa mulkiyay
Mawlana ikaa qoroo
Nuuraay iga mudan jacayl

Dhaayaha milicsiga arkaan
Muuqa quraxdana dayaa
Mabsuud awgii kolba
ilinta maba celin karaan

Adaan kaa maarmi karin
maqluuqa ku nool Arlada
Adaa maskaxdayda dagayoo
nuuraay marwo iigu filan

Intaan maareenta guur
Ku jiray muhashada dareen
Ma arag ruux kula midoo
Nuuraay midigtaada dhigoo

Dhaayaha milicsiga arkaan
Muuqa quraxdana dayaa
Mabsuud awgii kolba
ilinta maba celin karaan

Queue is empty
-- / --