dunida madawgiyo mugdigaba la dhalatoo
ma dhamaysto aadmigu intuu midho abuurte
mixnad la ina galiyiyo mushkiladii aduunkaa
ina kala maquunshoo midba gabi ku moosee
muraadkeeda noloshaa murug lagu lifaqoo
sidii loo macneeyaba naftu mahadin maysee
inta kala maqnaanshaha uu midkeenba mel jiro
warkeenuna is moog yahay ma ogiba si aan ahay
mataantii jacaylkaay maxaad mudatay dabaday
ma nooshahay ma dhimashaa xageed maanta jogta
qoyska maamulkiisaa ku macaan lamaanaha
wada maala caashaqa mudnaantana haleelee
ana muxibadaadii maalin igama suushoo
waxaan maanka ku hayaa mar inaynu kulanee
mid ahaan indhahaagaa macaan haday bukooto
muuqa iyo aragtida meel fog kama arkayside
wadnayaal midooboo midigta is qabsaday
ma iyagaa masaafiyo meel ku kala maqnaan kara
