Hiboy dabciga iyoo
Qurux aadmi daawado
Mida dumar u sidatee
Sharafiyo dulqaadiyo
Asluub daaim siiyee
Damiiriyo dadnimo leh
Naftu diidin baa tahee

Dig iyo awaariyoo
Doogii bilcin buuriyo
Yoocaale iyo dayr
Daramaan lagu gardaashoo
Duco waalid sidatoo
Dumar ugu saraysoo
Daahir lagu dhalaa tahee

Gashaamiyo darooriyo
Arabsaa dalxiis lee
Dauus lamoodyeey
Yaa kusoo dalmariyoo
Dalsan ciida hooyiyo
Dhagax buure kula dega

Dhurqode dhagax madawiyo
Dekadiyo kuna gadoo
Dumar wada asluuboo
Daainkeen udhaliyee
Diinta dhaxal yeeloo
Deganaansho iyo sharaf
Igu dunida kow noqo

Nasabkii duriyadiyo
Gaari dacadaa tahay
Xuural cayntii dunidoo
Dabciyo wanaag loo
Ninkuu calafku kugu daro
Dookha kula wadaagoo
Hiboy daawadaa tahee

Exit mobile version