hadii qaayo dumar leeyihiyo qodob la sheegaayo
tusaalaha laga qaatabaa lagu qormeeyaaye
ala qaalisanidaa dastuur baa lagaa qoraye

qawlkaaga dabacsani naftuu qiiro galiyaaye
naxariistu waa kula qareen qadaf la'aantaaye
miyaan qarin karaa saw dadnimo kuuma wada qeexna

qorqornaanta muuqiyo habsami quruxi waa taada
xurmo qiimaheed lihiyo hab dhaqan qaladli waa taada
qalbi xaadhanoo xumo ka madhan qirayoo waa taada

hadii wiil qorshaynaayo guur qoys u hana qaada
way kugu qarwaanoo ragii quud ka dagi waaye
ala qoom adoo kale maa dunida loo qaybsho

qabyo tira inaa tahay la hubo la isla wada qaaday
qab waynida inaad bari ka tahay la isla wada qaaday
qosolkaa inuu daawo yahay la isla wada qaaday

qorqornaanta muuqiyo habsami quruxi waa taada
xurmo qiimaheed lihiyo hab dhaqan qaladli waa taada
qalbi xaadhanoo xumo ka madhan qirayoo waa taada

Exit mobile version