cishadaynu kulana
dabayl caafimaad badan
caraf laabta marisoo
cidhifkaa wadnuhu xigo
cago dhigay jacaylkuye

calmashada hadii aan
dookha calanka kuu sudhay
niyadii ku cugataa
su'aal igu celcelisoo
xalku caadigii dhaaf

halka lagu caweeyiyo
liido cidhifyadeediyo
kaa waayay curuboo
waan cago gubyoodaye
halke caawa kuu shidan

naftii aad anqarisiyo
niyadii cudoonay
ku caleemo saartiyo
caqligiyo garaadkii
wali waa u casuumantee

hadii aanu codkaygiyo
codsigaygu kuu iman
waxaa kuugu filan celis
calmashada daruurtee
aanu caadba kaa xigin

Exit mobile version